Madaxweynaha oo Shaaciyey Xilliga la Furayo Madaarka Caalamiga ah ee Berbera

0
541

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in bisha lixaad ilaa bisha sagaalad ee sannadkan dib loo furaayo madaarka caalamiga ah ee berbera kaasi oo xidhna in muddo sababo la xidhiidho dib u dhis lagu wadday

 

Madaarka ayaa loo dhisay hab cusub oo casri ah, kaas oo waafaqsan nidaamka dulimaadyadda hawada  ee qaaradda.

 

Dawladda Somaliland ay doonayso in magaaladda Berbera ay noqoto  xarun ganacsi,  isla markaana ay u baahan tahay in madaarku  noqdo mid gudaha iyo dibaddaba u shaqeeya, isla markaana ay isticmaalaan maalgashadeyaasha gudaha iyo dibadduba, iyada oo  ay ka soo degi doonaan dalxiiseyaasha caalamiga ahi.

Furitaanka madaarka ee Madaxweynuhu  sheegay ayaa kor u qaadi doono sumcadda Somaliland, iyada oo sidoo kalena la wado waddada isku xidhi doonta xuduudka Itoobiya iyo magaaladda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply