Somaliland: 31 Masuul oo Hanti-dhawrku soo Eedeeyay

0
399

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland oo mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in 31 masuul oo ka tirsan dawladda lagu eedeeyay lunsi hantiyeed,  sla markaana baadhitaan lagu waddo 72 hay’addood oo lala duwan.

Madaxwayne Somaliland ayaa sheegay in dib u habayn balaadhan lagu sameeyay nidaamka uu ku shaqeeyo Hanti-dhawrka guud ee qaranka,waxaanu sheegay in meel adag la iska taagay xatooyada xoolaha umadda

“Waxa meel adag la iska taagay xatooyada xoolaha umadda waxaana baadhis xisaabeed iyo baafhi maamul lagu sameeyay 72 hay’adood oo dawli ah,waxana la soo eedeeyay 31 masuul dawladeed ah oo dawcad sugayaal ah.

Waxa qasnada dawlada lagu soo celiyay lacag dhan shan Billion oo Somaliland Shilling ah oo laga lunsaday qaranka.

Waxa la adkeeyay ku dhaqanka shuruucda baadhista danbiuada laga galo maaliyada iyo maamulka”

Leave a Reply