Xukuumadda Somaliland oo Maxkamaddaynaysa Siyaasiyiinta Muqdisho Jooga

0
356

Hargeysa-(Dawan?)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadayo qofkasta oo Soomaaliya u taga arrimo siyaasadeed.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in la maxkamadaynayo qofkasta oo arrimo siyaasadeed muqdisho iyo Soomaaliya ku jooga ama tagga.

“Xubnaha Somaliland u dhashay ee hawshaa ku foogan waxaan u sheegayaa in Shuruucdii lagula dhaqmi jiray aad loo adkaynayo, waayo waxa inoo fududaatay in la yidhaahdo waa hebel oo waa nin weynoo dalkiisii kusoo noqdaye halla saamaxo, kii la saamaxay baa noqday oo imika ka taliya meeshii, dee caqli ma aha oo qarannimaday meel kaga dhacay, laakiin sharcigii adkaa ee aad meelmariseen ee ahaa illaa maxkamad la mariyo lama saamixi karo, ayaa lagu dhaqayaa haku talo galaan.”

Leave a Reply