Hawlgalkii Sirdoonka Ee Caanka!

0
436

Intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, Mareykanku waxay aad ugu dadaleen  in ay wax badan ka ogaadaan maraakiibta badda quusta iyo Tiknoolajiyadda ICBM ee Ruushka. Waxaana U suurta gashay inay ogaadaan inuu jiro aalad hoose oo isgaadhsiineed oo u dhow Badda Okhotsk oo Ruushku samaystay.  Wakhtigasi waxay keeneen farsamo casri ah oo ay xidhiidh badda hoose ah la sameeyaan aaladaasi si ay ugu basaasaan isgaadhsiinta Ruushka.

Sanado badan ayay arinkaasi adeegsanayeen taasi oo Ruushka aad uga yaabisay siraha culus ee si fudud Maraykanku ku helo.

Ruushka ayaa markii danbe culays saaray sidii uu hawlwadeenada CIA-da Maraykanka uga heli lahaa shakhsiyaad warbixino ka siiya arinkaasi. Sannadkii 1985, sarkaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo lagu magcaabo Richard Pelton, ayaa si qarsoodi ah uga iibiyay sirtii Kabaylkaasi hoose ee Maraykanku isticmaalo Ruushka. Waxaana uu gudbiyay safiirkii Ruushka u fadhiyay dalka  Austeria Lacagta uu ka siiyay ayaa dhamayd $ 37,000, laakiin markii dambe ayaa la ogaaday oo la  xidhay Richard Pelton sanadkii 1985, waxaana lagu xukumay xabsi dhan 30 sano. Waxaana la sii daayay oo xabsi ka dhamaaday sanadkii 2015.

 

Leave a Reply