Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda dastuurka iyo xidhiidhka golayaasha, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa sheegay in guusha iyo horumarka uu gaadho Qaranku ay ku xidhan tahay in la helo gole deegaan iyo mid wakiilladaha oo daacad u ah shaqada loo igmaday .
Wasiir Maxamed Xaaji Aadan oo ka hadlayey madal lagusoo bandhigay musharaxiin ka sharraxan Xisbiga Kulmiye oo ka dhacday Caynaba ayaa sheegay in loo baahan in lagu barraarugo muhiimada ay leedahay in la helo golayaal qaranka horumariyo
“laba meelood ayuu qaranku ka horumaraa, mid waa golaha wakiillada iyo midna waa goolaha deegaanka , laba meelood ayaa dal iyo dad ka hanaqaadan , marka waxa aad maanta dooranaysaa labadii halbowlaha ahaa” ayuu yidhi
Wasiirka wasaaradda dastuurka iyo xidhiidhka golayaasha, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa sheegay in lasoo saaro dad dalka meel wanaagsan gaadhsiiya “waa in aad doortaan dad inaga horumariya golaha wakiillada iyo golaha deegaanka si qaranku u horumaro” ayuu yidhi