WHO oo Agab ku Wareejisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

0
690

Hargeysa (Dawan) – Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa qalab caafimaad kala wareegay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Deeqdan ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO soo gaadhsiisay wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa ka koobnaa qalabka uu ku shaqeeyo mashiinka Covid-19, agabka lagaga gaashaanto iyo sidoo kale dawooyin loogu talo’galay dadka qaba xanuunka Covid-19.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Dr Deeq oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda WHO xafiiskeeda magaalada Hargeysa, waxaana uu sheegay in 159 kartoon oo ah agabka lagu baadho ama lagaga hortago xanuunka safmarka ah ee Covid-19 ay ku wareejinayaan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland. Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in hay’adda WHO ay kala wareegayaan agab dhan 159 kartoon oo isugu jira dawooyin iyo qalab qiimahoodu dhan yahay 50,000 oo dollar, waxaana uu uga mahad celiyay hay’adda WHO deeqdaasi.

Dhanka kale, agaasimuhu waxa ugu baaqay bulshada in ay kala fogaadaan oo ka digtoonaadan xanuunka safmarka ah ee Covid-19 oo dunida ku soo laba kacleeyay, isaga oo xusay in ciddii isku aragta calaamadaha Covid-19 ay la soo xidhiidhaan wasaaradda horumarinta caafimaadka.

Leave a Reply