Baahida Ayaa Sababta Curinta!

0
413

Boqor  xukumayay dawlad ballaadhan ayaa maalin u baxay inuu soo kormeero magaalooyinka dalkiisa isagoo lugaynaya oo cagaagan iyadoo wakhtigaasi aan deegaanka boqortooyada laga isticmaalin kabaha la xidho. Markii uu safarka ka soo noqday waxa bararay cagaha madaama uu muddo kabo la’aan ku socday oo dhul badana soo maray.

Markii uu soo noqday waxa uu soo saaray wareegto ah in dhamaan wadooyinka lagu gogolo harag si aanay mar danbe u dhibin socodkiisa. Mid ka mid la taliyaayshiisa ayaa soo jeediyay fikrada ka wanaagsan, oo ah in boqorka oo keliya lugihiisa loo sameeyo harag uu gashado si aanay wax dhib ahi usoo gaadhin marka uu kormeerka samaynayo.

Fikradaasi ayaa la qaatay waana fikradaasi goobta ay ka bilaabantay kabaha la xidhaa.    Haddii aad rabto inaad si wanaagsan u noolaato ha isku deyin inaad dunida bedesho, keliya isku day inaad naftaada bedesho, ka dibna isku day inaad dunida dhamaanteed wada bedesho. Markii boqorka cagihiisa kabo loo geliyay ayay dadkii kalena wada samaysteen.

Leave a Reply