Tallaalkii ugu Horeeyey ee Covid-19 oo Soo Gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland

0
686

Hargeysa, (Dawan) – Diyaaradii siday tallaalka cudurka Covid-19 ayaa maanta ka soo dagtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Tallaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee nooccciisa ah ee soo gaadha Somaliland ayaa ah COVAX, kaas oo lagu wareejiyey Wasaarada horumarinta caafímaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaarada caafímaadka ayaa sheegtay in tallaalkan la siin doono dadka shaqaalaha ah ee safka hore kaga jira la dagaalanka COVID19 kuwaasi oo kala bahda Caafimaadka , Ciidanka Socdaalka, Ciidanka Booliska iyo shaqaalaha cashuuraha ururiya, kuwaas oo inta badan la kulma dad farabadan.

Leave a Reply