Wasaaradda Caafimaadka oo Shaacisay Tirada Bukaannada Cisbitaaladda u Jiifa Covid-19

0
496
Sawirka Cisbitaalka Daryeel ee la Dhigo Dadka Qabba Xannuunka Covid-19

Hargeysa-(Dawan)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo ay weheliyaan masuliyiinta Cisbitaalka Hargeysa ayaa booqday Cisbitaalka Daryeel ee la dhigo dadka uu ku dhacay xanuunka Covid 19.

Dr. Yuusuf Garaw oo agaasimaha Cisbitaalka Daryeel ee lagu daweeyo dadka uu soo rito xannuunk Coron-virus, ayaa sheegay in Cibitaalka wakhtigan ay ku jiraan 13, bukaan ah iyadoo dhibaatada xanuunkuna ay meel sare marayso, waxaanu bulshada Somaliland ugu baaqay in ay qaataan fariimaha wacyigelinta Caafimaadka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in booqashada ay u yimadeen Cibitaalka Daryeel ay la xidhiidho sidii loo dar-dar gelin lahaa wada shaqaynta Citaalka Hargeysa oo dadka xanuunka lagaga baadho iyo Cibitaalka Daryeel isaga oo sheegay in Cibitaalka Hargeysa ay cudurka u jiifaan 11, qof, taas oo tirada guud ee bukaanada labadan dhakhtar ku jira ka dhigaysa 24, qof.

Agaasimaha guud ayaa ugu baaqay bulshada in ay qataan fariimaha Caafimaadka iyagoo ilaalinaaya masaafada kala fogaanta iyo Af-xidhka, waxaanu bulshada gaar ahaan dhalinyarada ugu baaqay in si gaara loo ilaaliyo dadka waaweyn ee Da’da ah iyo kuwa xanuunada la nool oo cudurkan u nugul.

Ugu dambayn agaasimaha guud wuxuu sheegay in maanta uu dalka soo gaadhay tallaalka Covid 19, oo hor dhac ah, laguna talaali doono shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya dadka uu xanuunkani asiibo.

Leave a Reply