Kalsoonida Naftaada, Qofna Ha Isku Halayn!

0
1454

Dacawada ayaa maalin ka codsatay inuu Yaygu baro qaabka fudud ee uu isagu u nool yahay. Yaygiina waxa uu ku yidhi : “ , waa hagaag, haddaba,  Soco oo geedkaasi ka bood. Dacawadii ayaa ku tidhi “ Geedkaasi waa dheer yahay , Ma laga yaabaa, inaan lugta ka jabo? .

Yaygii ayaa ugu jawaabay  “ Maya, Ha baqan, aniga ayaa ku qabanaya?”

Dacawada ayaa Bootadii bilowday , inkasta oo ay badbaaday, haddana yaygu marna ma caawin.

Kadibna iyadoo aad u cadhaysan ayay ku tidhi “ Oo maxaad ii qaban weyday, soot ii aad igu tidhi waan ku qabanaya ?” .

Yaygii ayaa ku jawaabay: “ Kani waa casharkii koowaad, waa inaad adigu nolosha dhibteeda ka gudubto adigoon qofna isku halayn.   Haddii aad naftaada kalsooni buuxda siiso waad gudbi dhibaatooyinka nolosha waxaana aad heli doontaa xalka.

Leave a Reply