Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha oo Furay Tababar Ku Saabsan Dastuurka iyo Waddaniyadda

0
504

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda Xidhiidhka goloyaasha iyo dastuurka ayaa degmooyinka caasimadda Hargeysa u qabatay tobabar ku saabsan Waddaniyada iyo Dastuurka.

 

Meeyar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne” oo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in tabobar loo furo degmooyinka caasimadda Hargeysa shaqaalahooda iyo maamulkooda in lagu tabobaro daatuurka iyo waddaniyadda, waxa uu intaasi ku daray inay waajib tahay in muwaadin kastaaba uu aqoon u yeesho dastuurka dalka iyo waddaniyadda.

 

Geestiisana wasiirka Cadaaladda, Saleebaan Warsame Guuleed ayaa bogadiyay barnaamijka lagu baranayo barashada dastuurka, waxaanu tilmaamay inay waajib tahay in la barto dastuurka, wasiirka cadaaladdu wuxuu sheegay in barashada dastuurka ay kaalin ka qaadan doonto in dadka heerarka kala duwan ee maxkamadaha dalka ay dacwaduhu ka galaan ay fahmayaan dastuurka JSL iyo arrimaha uu xaqa u siinaayo ama uu ka reebaayo.

 

Ugu dambayn Maxamed Xaaji Aadan Cilmi wasiirka wasaaradda  Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ayaa si rasmi ah u furay barnaamijka barashada dastuurka iyo waddaniyadda ee degmooyinka caasimadda Hargeysa, isagoo u mahad celiyay kasoo qayb galeyaasha.

 

Wuxuu sheegay in barnaaminkaasi looga golleeyahay kor u qaadida waddaniyadda iyo barashada dastuurka, degmooyinka caasimadda Hargeysa, waxaanuu wasiir Maxamed Xaaji intaasi ku daray in barnaamijkan la gaadhsiin doono dhammaanba 23-ka degmo doorasho ee dalka, taasina ay ka mid tahay waajibaadka wasaaradda dastuurka u xil saaran tahay ee ah in la baro shacabka waddaniyadda, shuruucda dalka iyo dastuurka.

 

Munaasibadaas ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo xidhiidhka goleyaasha, wasiirka Cadaaladda, Meeyar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, Agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka, Xoghahaya fulinta dawladda, guddoomiye-yaasha degmooyinka iyo shaqaalahooda.

Leave a Reply