Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo Tartansiinaysa 31 Dugsi

0
389

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, ayaa hoolka shirarka ee wasaaradda ku qabatay munaasibad lagu shaacinaayay tartan aqooneedka Dugsiyada Hoose Dhexe ee hobolka Maroodi-jeex.

Waxaa munaasibadan tartan aqooneedka daahfuray agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Md.Axmed Abokor Maxamed.

Tartan aqooneedkan oo ay ka qayb gali doonaan 36 dugsi oo ka mid ah dugsiyada magaalada Hargaysa, ayaa bilaabmi doona maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 20/03/2021-ka, haddii ILLAAHEY yidhaaho.

Tartankan waxaa taabo geliyay waaxda qaybta ciyaaraha iyo madadaalada iyo guddoonka waxbarashada ee gobolka Maroodijeex.

Leave a Reply