Nuxurka War-qoraala oo ka soo Baxay Xafiiska shaqo Qaran

0
1195

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee barnaamijka  shaqo Qaran Mudane, Maxamed Cismaan Xasan (Mu’adinka) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20-04-2021 ku dhawaaqay Natiijada Imtixaanka Dufcadii 3aad ee Barnaamijka Shaqo qaran oo 07-03-2021 guud ahaanba Gobolada dalka looga fadhiistay.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in dhallinyarada gobollada bariga ee Sool, Sanaag iyo Badhan, gaar ahaan wiilushu ay u diyaar garoobaan in maalinta Salaasada , halka dhalinyarada gobollada Maroodijeex, Saaxil, Gabiley iyo Awdal ay maalinta Arbacada subaxa hore ay iska xaadirayaan xafiisyada gobolada, halkaas oo laga soo qaadi doono, si loo keeno kulliyada carbsiga ee Dararweyn.

Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu dhallinyarada ku adkeeyey inay iska baadhaan xanuunka COVID19.

Leave a Reply