Xildhibaan Axmed Xaashi oo ka Tirsanaa Golaha Guurtida oo Geeriyooday

0
586

Ankara (Dawan)  ALLE ha u naxariistee waxa dalka Turkiga ku geeriyooday xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi Shiil, oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha Guurtidda Somaliland, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay xoghayaha guud ee golaha guurtida garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi.

Ku-simaha guddoomiyaha golaha guurtida ahna guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee aqalka odayaasha mudane, Siciid Jaamac Cali, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskiisii, qaraabadii iyo golaha guurtidda ee uu ka baxay Marxuum- Axmed Xaashi Cabdi, waxaanu marxuumka ILLAAHEY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii golaha guurtiddana ka siiyo samir iyo iimaan.

Marxuum Axmed Xaashi Cabdi, waxa uu golaha guurtida ku biiray sannadkii 2019-kii, waxaanu hore u soo qabtay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaanu ahaan jiray siyaasi muddo dheer ka tirsanaan jiray xisbigii UDUB iyado sannadihii u dambeeyeyna uu ka tirsanaa xisbul-xaakimka KULMIYE.

Leave a Reply