Wasaaradda Caafimaadka oo Berbera ku Qabatay Tabbabar la xidhiidha ka Feejignaanta Covid-19

0
361

Hargeysa (Dawan) – Kooxo ka tirsan wasaaradda caafimaadka Somaliland oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Saaxil, ayaa magaalada Berbera ka fuliyay tabobar ku saabsan sidii hawl-wadeenada caafimaadka ay uga feejig-naan lahaayeen cududurada faafa ee uu ka mid yahay Covid 19.

Madaxa fay-dhawrka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Cabdiwahaab Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in hawl-wadeenadaas lagu tabobaray qaabkii ay uga taxadari lahaayeen xannuunnada faafa oo ugu horeeyo Corona-virus oo dunida mudooyinkii dambe aad ugu soo laba kacleeyay.

Masuulkaasi waxa kale oo uu sheegay in hawl-wadeenada cisbitaalada dawlada ee ku yaala magaalada Berbera sidoo kale ay siiyeen casharo la xidhiidha sidii ay tabobarkaas ku saabsan in hawl-wadeenada cafimaadku ay iska dhawraan ama ka digtoonaadaan xannuunada faafa.

Ugu dambayn madaxa fay-dhawrka ee wasaaradda caafimaadku wuxuu guud ahaan bulshada Somaliland u soo jeediyay in ay qaataan talooyinka wasaaradda caafimaadka ee xidhashada af-saabka, fara-xalka iyo kala fogaanshaha.

Leave a Reply