Guddida maamul Wanaaga oo kormeer ku Tagey Degmada Saylac.

0
595

Saylac (Dawan) – Masuuliyiinta komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa hogaaminaayay agaasimaha guddidaas, mudane Maxmuud Ismaciil Cilmi, waxaa uu agaasimuhu sheegay in kormeerkaasi ku saabsan yahay qiimaynta waxqabadka golaha degaanka ee degmada Saylac tan iyo markii la doortay sannnadkii 2012.

Agaasimaha iyo masuulintaas ayaa kulan la qaatay maamulka degmada Baki, iyadoo kulankaasna lagu lafo guray ilaalinta hantida qaranka maadaama oo dalku galay marxalad doorasho, goleyaasha degaanka ee hadda joogaana ay galayaan doorooshinkii ay ku iman lahaayeen goleyaashii iyaga badali lahaa.

Gudoomiye xigeenka degmada Baki Dayib Xasan Raaage ayaa masuuliyiinta komishanka maamul wanaaga warbixin ka siiyay tantida ay masuulka ka yihiin sida ay u fuliyeen amarkii madaxweynaha Somaliland ee ahaa in la ilaaliyo hantida umaada xiliga kala guurka ah ee dalku jiro doorahooyinka.

Ugu dambayn agaasimaha komishanka qaranka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Maxmuud Ismaaciil Cilmi iyo duqa degmada Saylac Sacad Daahir Cilmi iyo xoghayaha fulinta dawlada hoose ee dgmadas ayaa soo kormeeray mashaariic kala duwan oo ay hirgeliyeen golaha degnaanka ee degmada Saylac.

Leave a Reply