Madaxweynaha Somaliland oo Qaranka oa Tacsiyadeeyay…

0
337

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee dalka gaar ahaan ciidanka qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee gashaanle sare Marxuum Maxamed Cabdilaahi Cartan (Rujiye) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 25/03/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey halyey ka baxay qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray, markii danbena qayb ka qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka qaranka ee wakhtigooda u huray in ciidanku noqdo cududda uu qaranku ku faano maanta.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Leave a Reply