Wasaaradda Beeraha oo Kormeertay Mashaariic ka Socda Degmada Sallaxley

0
304

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha waaxda Fidinta iyo cilmi baadhista ee wasaarada horumrinta beeraha Jsl Md. Cali Cabdilaahi Ibraahin, ayaa maanta booqasho ku tagey degmada Sallaxlay waxaa safarkiisa ku wehelinayay Cabdiqaadir Maxamed Ismaaciil, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda fidinta iyo cilmi baadhista.

Safarkan ayaa daba socday u kuurgelida mashaariic ay sannadkii 2019 ay wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’adda GIZ oo is kaashanayaa u sameeyeen qaar ka mid ah iskaashatooyinka degmada Sallaxlay kuwaas oo la mahadiyay waqtigan oo Jiilaal ahna midhahooda la guranayo, ka dib markii ay biyaha ugu qabteen dhaamam waawayn oo ilaa hada biyaysan.

Iskaashatooyinka ayaa u mahadnaqay wasaarada iyo hay’adda GIZ uguna baaqay in la sii joogteeyo lana sii wado mashaariicdan oo kale siiba qabashada biyaha roobka.

Leave a Reply