Hargeysa (Dawan) – Ugu horayn Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir oo ku hadlay af-ka madax dhaqameedka ayaa soo dhaweeyay murashax Cabdi Wiiwaa, waxaanuu sheegay arrimaha uu ballan qaaday laga rabo inuu fuliyo haddii uu ku guuleysto ka mid noqoshada doorashada golaha degaanka ee caasimada Hargeysa.
Dhalinyaro, haween iyo masuuliyiin kale oo ka hadlay goobtaas ka hadlay ayaa sheegay inay taageero la bar-bar istaagi doonaan murashax Cabdi Wiiwaa, isla markaana ay ka filayaan inuu fuliyo ballan qaadyadaas uu u qaaday bulshada caasimada ee uu codka ka rabo.
Ugu dambayn Cabirisaaq Maxamed Faarax (Cabdi Wiiwaa) musharaxa golaha deegaanka ee caasimadda ayaa munaasibadaa ka sheegay inuu diraar u yahay ka shaqaynta adeegyada bulshada, haddii uu ku guuleysto ka mid noqoshada golaha degaanka ee Caasimada Hargeysa, isagoo xusay in arrimaha gacan ka gaysan doono ay ka mid yihiin horumarinta waddooyinka, bilicda caasimada, suuqyada iyo arrimaha kale ee taabanaaya nolosha bulshada ku nool caasimada Hargeysa.