Somaliland: Qaybinta Kaadhka codbixinta oo ka bilaabmaya saddex gobol

0
390

Hargeysa (Dawan) – Olollaha qaybinta Kaadhka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashada, ayaa ka bilaabmaya maalinta beri oo Arbaca ah gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Awdal, taas oo wajigeeda koowaad socon doono muddo saddex maalmooda.

Guddida Doorashooyinka Qaranka oo howshan diwaan-gelinta ku-celiska ah bilaabay dabayaaqadii sanadkii 2020, ayaa maanta caasimadaha saddexda gobol ka amba-bixiyey Shaqaalaha fulinaya barmaamijka Kaadh-qaybinta, agabka lagu shaqaynayo, gaadiidka iyo kooxaha nabad-gelyada ee la shaqaynaya.

Gobolka Maroodi-jeex oo kamida saddexda gobol, ayaa waxa ay kaadh-qaybintu ka bilaabmaysaa 348 goobood, waana gobolka ugu baaxada codbixiyeyaasha badan gobolada dalka, iyadoo Komishanku maalintii shalay kala direen howlwadeenada ka shaqaynaya goobahaasi.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo Isniintii todobaadkan bixiyey wargelinta bilowga Olollaha Kaadh-qaybinta ayaa bulshada ku adkeeyey inay si taxadir caafimaad ku dheehan yahay ugu soo baxaan qaadashada Kaadhka codbixinta.

Gobolka Awdal, ayaa isagana la kala diray shaqaalaha gobolka ee Kaadh-qaybinta fulinaya.

Leave a Reply