Shir ku Saabsan Dejinta Habraaca Wada-xidhiidhka Dawladda oo ka Furay Hargeysa

0
472

Hargeysa(Dawan)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa Huteelka Dhoolayare ee caasimadda Hargeysa ka furay  Kulan ku saabsan  dejinta habraaca Wada-xidhiidhka Dawladda.

Sida uu ku soo warramay Weriye ka tirsan Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa soo qaybgalay kulankaas Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Warfaafinta, Deegaanka, Beeraha, Shaqada iyo Arrimaha bulshada, xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada, Agaasimeyaasha Waaxaha ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Masuuliyiinta Warbaahinta u qaabilsan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda.

Agaasimaha Waaxda Wada-xidhiidhka ee Wasaaradda Warfaafinta Muna Maxamuud Toosane ayaa sheegtay in labada maalmood ee shirkaasi socdo si wadajir ah la iskaga kaashan doono sidii wada shaqeyn waxtar leh ay u yeelan lahaayeen Wasaaradda Warfaafinta iyo masuuliyiinta Warbaahinta u qaabilsan Hay’adaha dawladdu. Waxana ay u mahadcelisay masuuliyiinta soo ajiibay martiqaadkii ay u fidiyeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa  sheegay in kulankani wax weyn ka tarayo xoojinta xidhiidha wada shaqeyneed ee Wasaaradda iyo Laamaha dawladda, waxaanu tilmaamay in lagu dersayo sidii wadajir loogu baahin lahaa xogta dawladda isla markaana wacyigelinta bulshadu u baahan tahay loo  middeyn lahaa.

Agaasimaha Warfaafintu waxa uu sheegay in laga hawlgalay tayeynta wax-soo-saarka iyo adeegga Warbaahinta Qaranka, waxaanu xusay in Hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda looga baahan yahay inay la shaqeeyaan warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha Horumarinta Beeraha Rooble Cabdi Muuse, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Deegaanka, Cabdinaasir Axmed Xirsi oo ka hadlay  shirkaas ayaa majeertay dedaalka Warbaahinta Qaranka, waxaanay balanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan. Waxa kaloo ay soo jeediyeen tallooyin la xidhiidha hannaanka looga wada shaqeyn karo sidii bulshada loogu gudbin lahaa macluumaad waxtar leh.

Waxa kaloo shirkaasi ka hadlay Madaxa xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in si wadajir ah loogu adeego bulshada, waxaanu  ku baaqay in dhallinyarada looga fadhiyo inay ka hawlgalaan  sidii farsamooyinka tiknoolajiyada ay uga faa’iideeyaan gudbinta iyo difaaqa Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta. Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo si rasmi ah u furay shirkaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ay Xafiisyada Wasaaradaha u qaabilsan Warbaahinta kala hadlaan sidii  ay xidhiidh joogto ah ula yeelan lahaayeen Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Ku-xigeenku waxa uu intaas ku daray in Wasaaradda Warfaafinta iyo daneeyeyaasha kaleba ay ku guulaysteen inay Soddon sannadood kadib sameeyaan Siyaasadda Warbaahinta Qaranka oo waafaqsan dasuurka JSL.

Wasiir ku-xigeenku waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin inay  kor u qaadaan xilgudashada iyo tayada Warbaahinta Qaranka oo ah mid si loo siman yahay ugu adeegaysa bulshada Somaliland.

Leave a Reply