Sheekh Maxamed Haybe oo Khudbadii Jimcaha kaga Hadlay u Diyaar-garowga Bisha Ramadaan

0
869

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Haybe, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay kaga hadlay u diyaar garowga fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalmo koobani innaga xigaan, waxaanu  sheegay in bisha Ramadaan waxaa loogu diyaar garoobayo ay ugu horrayso,  in aynu axkaamteeni aqoon u yeelano, in aynu ka xorowno balwadaha faraha badan ee ina raggaadiyay, ee qaadku ka mid yahay, ee sigaarku ka mid yahay, ka fogaanshiyaha isticmaalka baraha bulshada sida Facebook.

Sidoo kale Sheekhu waxaa uu xusay in nin qaad u yaala aanu ka faa’idaysan karrin bisha Barakaysan ee Ramadaan, isaga oo tilmaamay in aanu salaadaha faralka ah kuma ilaalin karrin wakhtigooda, adkaar kale la iman karrin.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in qofkasta oo bishan nabadqab iyo caafimaad ku gaadha in uu ILLAAHEY ugu mahad naqo, isla markaana bulshada inteeda kale ugu bushaareeyo curashadeeda, kuna dadaalo sidii loogu danbi dhaafi lahaa ee looga aqbali lahaa.

 

Sheekh Maxamed Haybe ugu horrayn waxaa uu ka hadlay u diyaar garowga bisha barakaysan ee Ramadaan iyo qodobada ay mihiimka tahay in laga dheeraado.“Ugu horrayn waxa ay tahay in aan  ugu diyaar garowno in aynu ILLAAHEY waydiisano in uu innagu simo, ma garan karno in aynu gaadhi iyo in kale, ILLAAHEY ayaynu waydiisanayna in uu innagu simo, nafina ma oga barri waxa ay mudanayso iyo halka ay ku dhimanayso.

Dadkii hore bilo ka hor bisha barakaysan ee Ramadaan ayay ILLAAHEY baryi jireen in uu gaadhsiiyo, ducooyinka ay ku ducaysan jireen waxaa ka mid ahaa ‘ILLAAHOW I gaadhsii bisha Ramadaan, nabadgelyo, nolol iyo caafimaad, ILLAAHOW igu gaadhsii Ramadaana ILLAAHOW igu soo sin, oo iga ilaali wax daacadaada iyo cibaadadaada i waydaariya, in qofkii ay Ramadaan u soo gasho balse uu dariiq kale marro, Soonkii uu ka tago, oo qiyamkii uu ka tago, oo dariiq kale uu marro, iguna khatin in ILLAAHEY iga aqbalo.

Dad badan oo masaajidada inagula tukan jiray oo aynu jaar ahayn ayaa imika ah asxaabul Qubuur oo sugaya in suurta la afuufo, ILLAAHEY ayaynu waydiisanayna in uu bisha barakaysan ee Ramadaan innagu simo oo uu ina gaadhsiiyo.

Haddii bisha Ramadaan uu ina gaadhsiiyo in aynu ku faraxno, in aynu isugu bushaarayno, bisha barakaysan ee Ramadaan Albaabada Janada ayaa la fura kuwa cadaabtana waala xidha, in aynu ku talo galno sadaqadii aynu la bixi laheyn, in aynu dadka iska cafino, in quluubteena aynu saafi ka dhigno, dadka qaarna waxa ay odhanayaan orod badana way soo gashe, halka kuwa kalena ay ku faraxaan isla markaana ay ilmeeyaan, marka ay sii dhammaanaysana ay murugoodaan”

Sheekhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray. “Bisha Ramadaan waxaa aynu ugu diyaar garoobayna in aynu axkaamteeni aqoon u yeelano, in aynu ka xorowno balwadaha faraha badan ee ina raggaadiyay, ee qaadku ka mid yahay, ee sigaarku ka mid yahay, ka fogaanshiyaha isticmaalka baraha bulshada sida Facebook, nin qaad u yaala kama faa’idaysan karro bisha Barakaysan ee Ramadaan, salaadaha faralka ah kuma ilaalin karro wakhtigooda, adkaar kale la iman karro, cibaadadu macaan ayay leedahay, ala barigu macaan ayay leedahay, xuska ILLAAHEY macaan ayuu leeyahay.

Nabigu SCW, waxaa uu yidhi saddex qofka laabtiisa ka hella imaanka macaankiisi ayuu dhadhamiyay, ILLAAHEY iyo Rasuulkiisa in uu cid walba ka jeclaado, ciddii uu jeclaanayana ILLAAHEY dartii u jeclaado, ciddii uu nacayana ILLAAHEY dartii u naco, isku ardaa ayaanu nahay iyo isku xisbi ayaanu nahay ayaa ina dhagatirtay, ee uu u naco kufriga iyo gaalnimada in dab lagu tuuro, khayr ALLE ha idin siiye arrimaha noocaas ah halaga waantoobo.

Qaadka iyo Sigaarku waa aafooyinka inala daadegay, gobonimadii iyo sharaftii umaddu ay lahayd ayuu god madow ku riday, qoysas badan ayaa ku burburay, Kenya iyo dalka aynu jaarka nahay ayaa isku keen haysta Saylada Hargeysa annaga ayaa ay noo xidhan tahay iyo annaga ayaa keenayna, madaxeeni ayaa la isku haysta, waar ILLAAHEY dartii hala isu cafiyo intaan bisha barakaysan ee Ramadaan la gaadhin, oo qofkii qof kale caloosha wax ugu haya uu saamaxo si aanay cibaadadu uga xumaan, in Salaadaha Faralka ah aynu ku mitidno, qof aan salaad tukan soon waxba u tari maayo, waaba sida dadka qaar ay sameeyaane, maalin oo dhan wuu af xidhan yahay mana tukanayo, Salaada Soonka ka weyn, Salaada oo laga tagaa in ay kufri tahay ayay inoo sheegeen Saxaabadu, ragii rag ahaa waxaa ay yidhaaheen shay kale ka tagi taankiisa gaalnimo umaanan arkayn balse Salaada oo laga tago Gaalnimo ayaanu u arkaynay, RABI waxa uu leeyahay salaada ooga oo Mushrikiinta haka mid noqonina.

Bisha Ramadaan waxaa aynu ugu diyaar garoobayna qalbiyada oo aynu saafiyayno, weelka oo aynu culano, in wixii sadaqad aad la bixi lahayd bisha Ramadaan aad maanta sii diyaarsato, sababto ah Sadaqadu bisha Ramadaan waa ay ka fadli badan tahay bilaha kale, kheyrka u dheereeya ayuu yidhi ALLE, ”

Sheekhu sidoo kale waxaa uu ka hadlay in bulshadu isa saamaxdo iyo sida ay mihiimka u tahay.“Nabigeenu SCW, waxaa uu yidhi maalinkasta oo Khamiisa iyo Isniina albaabada janada ayaa la fura, waxaana looo danbi dhaafa qofkasta oo aan ILLAAHEY u shiriig yeelaynin, waxaa isna liiska danbi dhaafka aan ku jirin qof walaalkii caloosha wax isugu hayaan, u kaadiya ayaa la odhanaya intay heshiinayaan, bishani waa bisha la isa saamaxo, berri ka maalin ayuu ka xalaal miiranaya, maalinta Qiyaamaha ayuu xasaanadkiisi iyo salaadkiisi lagala wareegaya,”

Leave a Reply