Bukaanka Ku Jiray Cisbitaalka Dhimirka ee Hargeys oo Qaadanaya Talaalka Covid 19

0
391

Hargeysa-(Dawan)-Agaasimaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeya ayaa sheegay in dadka ku jira cisbitaalkaasi yihiin kuwa dawladu ka masuul tahay isla markaana wixii daryeelkooda dhanka caafimaadka ah.

 

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dadka ku jira cisbitaalkaasi ay yihiin kuwo nugul oo aan haysan cid u hadasha, waxaanuu  intaas ku daray agaasime Askar  in hawl-wadeenada cisbitaalku ay xil iska saari doonaan sidii dadka ku jira cisbitaalka dhimirku ay u heli lahaayeen tallaalkaas.

 

Ugu dambayn agaasimaha guud ee wasaradda caafimaadku wuxuu soo kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay cisbitaalka lagu xannaaneeyo dadka maskaxda ka xanuunsanaya ee magaalada Hargeysa.

 

Leave a Reply