Xukuumadda oo Laba Milyan Oo Dollar ka codsatay Ganacsatada Dalka

0
406
Hargeysa-(Dawan)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka codsatay Ganacsatada dalka in ay lacag gaadhaysa laba Milyan oo dollar kaga qayb qaadato qorshe ay sheegtay in ay ku doonayso in ay ku soo iibiso tallaalka Cudurka COVID19, oo wakhtigan si weyn ugu faafay Somaliland.
Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlayey kulan ay la yeesheen Ganacsatada dalka, ayaa sheegay in ay Xukuumadda ahaan qorshahaasi ugu talo galeen, 1 Milayn oo dollar, Ganacsatadana laga doonayo 2 Milayn oo dollar, si bulshada Somaliland u hesho Tallaal.

Leave a Reply