Urur Haween oo deeq lacageed ku wareejiyey Qoys xanuun barriinsaday

0
332

Hargeysa(Dawan)-Dhawaan ayey ahayd markii Qalabka warbaahinta laga baahiyey Qaylo-dhaanta iyo Muuqaalada Murugada leh ee Aabo Xasan Cismaan Khayre iyo Hooyo Maryama Jaamac Diiriye oo ah Waalid haysta Shan wiil oo Maskaxda ka xanuunsanaya, kuna nool baadiyaha Deegaanka Dacawalay oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex.

Qoyskan oo mushkilada caafimaad ee ku habsatay, wakhti dheerna la daalaadhacayey, ilaa ay gaadheen heer ay xamili waayeen culayskeeda, kaddib markii ay labada waalidba Itaal gabeen, kuwii ay u aayi lahaayeen uu bariinsaday cudurka dhimirka ka haleelay, ayaa tan iyo markii dhawaaqooda iyo dhiilada warkooda laga baahiyey Warbaahin uu kamid yahay Wargeyska Dawan, waxa soo gaadhay gurmad kala duwan oo uga yimi samo-faleyaal isugu jira dad ehel ah, kuwo muxsiniin ah oo daafaha dunida kala joogga, Ururro Bulsho iyo Hay’addo Dawli ah.

Mid kamida Taakulooyinka la soo gaadhsiiyey Qoyskan oo uu qadarkeedu dhan yahay Lacag 12000 Dollar ah, ayaa waxa ugu tabarucay oo u soo uruuriyey, Dad muxsiniin ah oo ay hormuud u tahay hodan Yoonis Xasan oo kamida Ururka Haweenka ee horumarinta Degmda Dacarta, Taasoo ay kala qayb-qaateen Muxsiniinta kala ah, Amina baashe Aw Cabdi, Caasha Yusuf Madar,   Amal Maxamuud Caateye, khadra Maxamud Ciise oo ka tirsan Ururka Walaalaha Hortan iyo xubno kale oo kamida Ururka horumarinta Dacarta.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Qoyskan ayaa iminka qayb kamida la soo dejiyey Magaalada Hargeysa, si wiilalsha xanuunsanaya xaaladdooda loo kabo, waxaana in magaalada la soo dejiyo qorsheeyey Dad samo-faleyaal ah oo u diyaariyey hoy ay ku noolaadaan.

Leave a Reply