Caqliga Badani Iyo Gaadhida Xalka!

0
408

Labo nin oo indhoole ah oo goob wada degenaa ayaa maalin dagaal dhex maray, markii ay dadku isku deyeen inay kala qabtaan dhib ayay ku noqotay. Iyadoo weli ay ku jiraan sidii loo kala kaxayn lahaa ayuu soo maray nin caqli badani, waxaana uu weydiiyay waxa meesha ka  dhacay?

Dadkii ayaa ugu jawaabay inay labada nin ee indhoolaha ahi ay dagaalamayaan oo ay kala qaban kari la’yihiin.  Ninkii caqliga badnaa ayaa dadkii la yaabay oo yidhi waar ka baydha “ Anigu kaa midida sita ayaan la socdaa kan kale ha dilo , mar hadaanay is daynayn. Labada midkoodna muu haysan middi”.

Labadii Indhoole mid kastaa waxa uu u qaatay inuu kan kale midi sito ,markaasi ayuu halkiisa isku taagay oo ka baqay mindada inuu kan sitaa ku dhufto.  Dadka caqliga badan xaalad kasta xalka ay u baahan tahay ayay markiiba fahmaan.

Leave a Reply