Guddoomiyaha  Gobolka Saraar oo Iclaamiyay Salaad Roob Doon ah

0
504
????????????????????????????????????

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji,  ayaa bulshada ugu baaqay inay isugu soo baxaan salaad roob doon ah, taas oo lagu tukan  doono  fagaarayaasha  ku yaala degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa bulshada ku wargeliyay in ay niyada galiyaan in salaadaa roob-doon ah ee ay oogayaan ay tahay mid ay rabbaan in  ILLAAHEY  ay kaga baryayaan inuu abaaraha saameeyay nolosha bulshada deegaanka ka qaado.

Xiligaan ayaa qeybo badan oo gobollda dalkaa waxaa ka taagan abaaro saameeyay dadka iyo duunyada.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu bulshada ku booriyay in ay soo qaataan af-xidhka iyo wixii lagaga gaashaaman lahaa xannuunka safmarka ah ee Covid-19.

Guddoomiyaha gobolka Saraar isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Waxaanu halkan ka iclaaminaynaa in maanta oo Khamiisa in la isugu soo baxo Roob-doon oo ILLAAHEY la baryo, in ILLAAHEY innaga dul qaado abaarta iyo biyo la’aanta iyo ooda lululkan, in ILLAAHEY raxmadiisa inoo shuba danbidhaafna aynu waydiisano, gacmaha ILLAAHEY ayaa lagu dhargaa in aynu ILLAAHEY tallo saarano, in aynu ILLAAHEY isu dhiibayno aynu niyada gashano.

Waxaan iclaaminaya haddii ay noqon lahayd culimada ganacsatada, bulshada qaybaheeda kala duwan, in la isugu soo baxo Roob-doon, oo degmooyinkana laga wada akhriyo roob-doontii, la isugu soo baxo in cafis la waydiisto oo ILLAAHEY aynu barrino, in ALLE bariga iyo roob-doonta loo soo baxo haddii ILLAAHEY yidhaaho walaalayaal.

Hala soo qaato dhammaan waxyaabaha lagaga gaashaman karro xannuunka safmarka ah ee Covid-19, oo weli ay xaaladiisu taagan tahay”

 

Leave a Reply