Guddoonka waxbarashada Gobolka Togdheer oo kormeeray goobaha Waxbarashada

0
457

Guddoomiyaha wasaaradda waxbarshada iyo Sayniska ee gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale oo wasaaraddaas ka tirsan ayaa kormeeray imtixaanada dugsiyada kala duwan ee ka socda magaalada Burco, iyadoo arrimaha ay u kuur galayeena ay ka mid ahaayeen sida dugsiyadaas looga fuliyay tilaamihii galitaanka imtixaaanada ee Covid 19.

Guddoomiyaha ayaa kormeer ku soo maray qaar ka mida dugsiyada kala duwan ee wasaaradda waaxbarashadu ay maamulsho, kuwaas oo ay ka socdaan imtixaanadii ay wasaaradda waxbarashadu hore u soo dhigtay xannuunka Covid 19 dartii.

Gudoomiye Ibraahin digaale iyo masuuliyiintii kormerkaas ku wehelinaysay waxay warbixino ku saabsan sida imtixaanaadkaas u socdaan iyo fulinta tilaamihii la xidhiidhay ka feejigaanta xannuunka Covid 19 ka dhageysteen maamulka dugsiyadii ay marayeen.

Ugu dambayn gudoomiyaha wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Ibraahin Digaale ayaa maaulka dusiyadii uu kormeeray iyo hawl-wadeenada gacanta ku haya imtixaanaadkaasba u soo jeediyay inay ku dadaalaan sidii imtixaanaadkaas ay ugu soo dhammaan lahaayeen jawi degan, iyadoo la fuliyaayo tilmaamaha la xidhiidha xannuunka Covid 19 ee dhawaan wasaardda waxbarashadu go’aamisay in inay ku dhaqmaan maamulka gacanta ku haya dugsiyada waxbarashada kala duwan ee dalku.

Leave a Reply