Kumbuyutarka Iyo Saamaynta Waxbarashada Ardayda!

0
402

Iyadoo computerada laptopka ay noqdeen sebenkan kuwo fudud waxay  sababeen inay dunida ku baahan oo meel kasta laga isticmaalo.Fikradda qoraalka gacanta ayaa u muuqda mid gaboobay oo laga gudbay dunida. Daraasada lagu daabacay  Wargeyska  Psychological Science,  ayaa Prof.Pam A. Mueller oo ka tirsan Jaamacadda Princeton iyo Daniel M. Oppenheimer oo isna ka tirsan Jaamacadda California, Los Angeles ay ku cadeeyeen inay tijaabiyaan sida qoraalka gacanta iyo Computerku saamayn ugu leeyihiin fahmaka waxbarashada ardayda, iyagoo sheegay in qoraalku ka faa’iido badan yahay Computerada.

Wargeyska “The New York Times” ayaa isna daabacay cilmibaadhis ay sameeyeen aqoonyahano ka tirsan Jamaacadda Princeton  taasi oo ay ku ogaadeen saameynta computer-ku ku yeesho waxbarashada ardayda iyo fahamka aqoonta, waxaana ay cadeeyeen in qalinka iyo buuggu ay ka wanaagsan yihiin Computerka dhinaca isticmaalka ardayga.  Cilmi baadhayaashu waxay ardayda u qeybiyeen labo kooxood, mid  laptop adeeganaysa iyo koox qalinka iyo buugga isticmaalaysa, gebagebadii daraasaddan waxa soo baxday in kooxdii qalinka iyo buugga ay kaga fiicnaadeen kuwii computer-ka casharka ku qaadanayay dhinacyada fahamka iyo waxbarashadaba.

Waxaana ay aqoonyahandu sheegeen in sababta kooxda Computerka adeegsanaysa ay hoosayso ay tahay awoodda qoraalka oo kooban, isku halaynta xawaaraha iyo kaydinta qoraalka ee  Computerka. Waxa kale oo sheegeen inay badanayeen codsiga iyo weydiimaha  ardayda Computerka adeegsanaysay. Ardayda qoraalka ayaa casharada si fiican u fahmay oo weliba horumar ka sameeyay dhinaca curinta iyo hal abuurka, manay ahayn arday isku halayn qaba, madaama wax kasta ku xidhan yihiin sida ay casharka u diyaarsadaan.  Ardayda qoraalka badankoodu waxay ahaayeen kuwo aqoon ahaan aad uga sareeya kuwa Comuterka isticmaalaya.

Leave a Reply