Mushkulada Waad Ka Gudbi kartaa !

0
760

Dunida isbadalkeedu waa joogto, fikirka aadamiga mar kasta waxa uu xidhiidh la leeyahay hadba duruufta wehelka u ah. Duruufahaasi is barkan ee laga yaabo inay kakan yihiin waxa qofku ku waajahaa caadifad iyo hawo been ah, ama  caqli ay kartiyi wehelinayso.

Haddii caadifaddu ay ka dheerayso heerka fikirka caqliga dadaal kasta oo aad bixisaa wuxu ku dhamaada eber, laab la kac iyo cadho ku dhisan, markaasi ayaad  shakhsiyaad, koox ama deegaan u aragtaa inay duruufaha kugu xeeran sabab u yihiin.

Marar badan waxaad dareemaysa dhawaaq ku leh “ Duruuftan kama gudbi kartid, ilaa aad hesho awood ku taageerta, taasina ma haystid ee iskaga dhex noolow waad dulaman tahaye”.

Ilbidhiqsigaasi waa laba midkood inaad fashil noqoto oo aad aqbasho inaad iskaga dhex noolaato inta ay geeridu kuu imanayso, iyo inaad caqliga iyo xikmadda ka faa’iidaysato oo aad siiso jawaab ah “ Maya waan ka gudbi kara, anigoon taageero cidna ka sugin, laakiin daariiqa aan marayo waa mid aan anigu jeexanayo oo aan ka fikiray halka uu igeynayo”.

Weedhahaas waa kuwa ay shakhsiyaad iyo ummado badan horumar ku gaadheen. Waa inaad ka xorowdo cabsida wahsiga, caajiska iyo fadhiidnimada caqliga, oo ah isha ay ka soo burqato saboolnimada iyo nolol xumidu.

Qof kasta waa hal abuure noloshiisa ah, laakiin dad yar ayaa awood u leh inay naftooda kor uga qaadaan fikradaha wakhiga, caajiska iyo malaha khaldan.

Leave a Reply