Madaxweyne Ku Xigeen Somaliland Oo Hargeysa Ka Furay Kulan Lagu Gorfaynaayo Horumarka Dalka

0
184

Hargeysa (Dawan)  – Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa ka qayb-galay Daahfurka Dalladda Sahamiye oo uu hirgeliyey Aasaasaha shirkada World-Remit, Ismaaciil Axmed, taas oo u jeedadeedu ahayd sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hortaagan horumarka Somaliland, loona kobcin lahaa hal-abuurka ganacsi ee bulshada.

Ganacsade Ismaaciil Axmed ayaa balan qaaday inuu u huri doonaa mashaariicda horumarinta ee Somaliland lacag dhan shan milyan oo doollar ($500 milyan) oo ah han-tidiisa iyo maalgashi uu dalka ka fulin-doono tobanka sanno ee soo socda.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo goobtaas hadalo ka jeediyay ayaa u mahadceliyay ganacsadahaas, waxaanuu sheegay in tahay talaabo fiican oo uu dalkisa iyo dadkiisaba waxa ku taray.

Leave a Reply