Arrimaha Isku Mid Ah

0
436
  • Markaad dhalatay waa lagugu eedaamay, mana garanaysid qofka kugu adimay, markaad dhimatana waxa lagugu tukanayaa Salaad aan Eedaan lahayn, mana taqaanid cida kugu tukanaysa, inta u dhaxaysa Eedaanka hore iyo salaadda lagu tukaday ayaad dunida joogta
  • Markaad dhalatay maad garanayn qofka ku qabtay, markaad dhimatana mataaqanid cida iilka ku dhigaysa
  • Markaad yarayd caqli badan maad lahayn, markaad da’ noqotona waad asaasaqaysa
  • Dunidu waxay ku bilaabnaty Nebi Adam (cs) iyo Ibliis, waxaana ay ku dhamaanysa, Nebi Ciise (cs) iyo Dajaal Cawar.
  • Reer galbeedku inagama caqli badna halkaynu isku dhaafnay ah waa iyagu waxay isgarab taagan kooda guul daraystay ilaa uu ka guulaysanayo, halka inagu keena guulaysta aynu la dagaalano ilaa inta uu guuldaraysanayo.   Xikmad Carbeed
  • Waalida macnaheedu waa qof samaynaya wixii uu samayn jiray isagoo u samaynaya sidii uu hore ugu samayn jiray isaga oo rajaynaya in natiijo ka duwan tiisa hore”
  • Waxaan necebahay qof tagaan meeshu joogay dhowr sano ka hor, dhinac kasta oo nolosha ah
  • Waxa fiican in qofku dunida kaga tagto wax muuqda

 

Leave a Reply