Jilaagii Toobkeeda Lagu Kanfay!

0
546

Gabadha jilaaga ahayd ee  “Martha Mansfield” waxa ay ahayd Maraykan door muuqda ka soo qaadatay wayadii filimadii amuusan. Sanadkii 1923 Martha waxa metalaysay filimkii “ The Warrens Virgina” kaasi oo lagu soo bandhigay sebenkii dagaalka sokeeye ee Maraykanka iyo qisada gabadh Koonfurta ahayd iyo kalgacal dhex maray mid ka mid ah askartii Midowga.

Bishii Nofeembar 29keedii, maadaama filimku gabagabo ku dhow yahay, Martha waxay soo afjartay mid ka mid ah muuqaaladeedii oo waxaana ay dhaqaaqday gaadhigeeda si ay u nasato. Waxa ay xidhnayd toob khafiif ah oo ah lakabyo kala sareeya oo ku dhejisan lana xidhan jiray 1860-wakhtigii dagaalada sokeeye socdeen.

Intii gaariga la fadhiyay, dharkeedii ayaa si lama filaan ah u qarxay olol, iyadoo ay jirto cabsi iyo argagaxMarkii Markii ay gaadhigeeda fadhiisatay, si lama filaan ah ayuu olol uga kacay dharkeed, waxana ku dhacay iyo argagax.

Jilayaasha kale ee ay wada shaqeeyaan iyo darawalkeeda ayaa si deg degay ugu soo cararay si ay caawiyaan, Jilaaga “Wilfred Little”  ayaa ku tuuray jaakadiisa waxaana ay ka caawisay daminta dabka ee wejigeeda iyo qoorteeda, laakiin waxa ay ku gubaneysaa gacmaheeda. Martha waxa ay ka booday gaadhiga iyado darawalku isku dayay inuu damiyo dabka, laakiin si xun ayuu isaguna uga gubtay gacmihiisa.

Leave a Reply