Filimka Iyo Dhimashooyinka Xaqiiqda Noqday! Filimo Dareenka Dadka Bedelay!

0
472

Mr. Jon-Erik Hexem waxa uu ahaa jilaa Mareykan ah oo caan ku ahaa taxanayaasha ( musalsalada) telefishinada laga baahiyo. Jon-Erik waxa si kama ah madaxa ugaga dhacday xabad isagoo markaa ku yiri duubista taxnaha “Cover Up”,  waxaana u uku dhintay goobtii lagu duubayay musalsalka.

John waxa metelayay  “Mac Harper”, oo ah sirdoonkii hore Ciidamada Gaarka ah, kaasi oo ay shaqaaleysiiyay  gabadha sawirqaade “Danny Reynolds” oo xayaysiisa gaar u ah, waxaana ay doonaysay inuu ka caawiyo  sidii ay u heli gacan ku dhiiglihii dilay ninkeeda.

Bishii Oktoobar 12, 1984, kooxihii duubista musalsalka waxa ay duubayeen qeybtii toddobaad, oo ahayd mid ka mid ah goobihii looga baahnaa John inuu bastoolad ku rido.

Sidaa darteed, duubista filimka ayaa la joojiyay waxana kooxdu bilaabeen inay dib u habeeyaan goobta si ay mar kale u toogtaan, laakiin shaqadoodu waxa ay qaadatay waqti dheer.  John oo caajis dareemay ayaa qaatay Bistooladii  oo keebka qabtay isagoo u haystay inay madhan tahay.   isla markiiba keebka ayuu gacnta ku  riixay isagoo inay madhan tahay iyadoo madaxa kaga beegan. Isla markiiba lafta madaxa ayaa jabtay iyadoo maskxdana dhawaaci weyn gaadhay, oo dhiig bax badan keentay. Kooxda aya ku soo yaacay

John waxaa loola cararay  isbitaalka waxaana lagu sameeyay qaliin shan saac qaatay, lix maalmood ka dib ayaa la shaaciyay dhimashadiisa maskaxda,  waxaana laga furay dhaaman  aaladaha nooleynta, waxaana da’diisu ahayd 26 sano.

Xubnaha jidhkiisa waxaa loogu deeqay dad kala duwan, ka markii ay  hooyadii ogolaatay, Wadnihiisa waxaa lagu beeray nin 36 jir ah, mid ka mid ah xubnahiisa bu’ada indhihiisana  waxa uu u tegey nin 66 jir ah. Labadiisa kelyoodna, gabadh 43 jir iyo ilmo shan jir aya la siiyay.

John meydkiisii ​​waa la gubay oo dambaskiisi waxa lagu daadiyay Badweynta Baasifiga.  Dhimashadiisa waxa lagu xukumay inay tahay shil. Hooyadii ayaa dacwad ka gudbisay shirkada musalsalka meel gelinaysay waxaana ay ka heshay lacag aan la sheegin oo ah heshiis hoose oo dejin ah oo ka baxsan maxkamada.

Leave a Reply