Gudoomiyaha Wanaag farita Oo Bulshada U Diray Fariimo Ku Saabsan U Diyaar-Garawga Bisha Ramadaan

0
88

Hargeysa-(Dawan)-Sheekh Muuse Jaamac Cabdi gudoomiyaha guddida wanaagfarista Somaliland wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan bisha Ramadaan ee khayr ka leh ee inagu soo foolka leh, waxaanuu u soo jeediyay inay bishaan ku dadaalaan kor u qaadida cibaadda bishaan, oo ah mid bilaha kale ka khayr badan.

Ugu dambayn gudoomiyaha guddi wanaagfaritsa iyo xumaan reebista Sheekh Muuse Jaamac wuxuu bulashada u soo jeediyay inay bisha barakaysan ee Ramadaan ay caawiyaan dadka aan waxba haysan ee danyarta, arrintaas oo ah mid cidii bishaas wax tarta bulshada jilicsan ay ugu jiraan khayr, maadaama diinteenu ay dhiiri gelisay in la is caawiyo, waxaanuu xusay in dadka bishan oo kale ganacsi ka dhigta in ay kariyaan cunto xaaraan ah ay ka waan toobaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here