Saraakiil Ciidanka Asluubta ah oo Tabbabar loo soo XIdhay

0
477

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ismaaciil, ayaa tabbabar u so xidhay b 13 sarkaal oo ah saraakiishi ka soo baxday dugsiga Cabdillaahi Askar, kuwaas oo la siinayay culuun kala duwan, oo la xidhiidha barashada hawlaha xabsiyadda.

Taliyaha guud ee ciidamada asluubta Somaliland, sarreeya guuto Axmed Cawaale Yuusuf Libaax, ayaa u hanbalyeeyay saraakiisha dhammeystay tabbabarka.

Tabbabarkan oo soconayay muddo saddex bilooda ayaa ku saabsana barshada hawlaha xabsiyada iyada oo ujeedada loo tabbabarayay ay salka ku haysay hoggaaminta mustaqbalka ee ciidanka asluubta gaar ahaana hawlaha xabsiyada iyo maxaabiista Jamhuuriyadda Somaliland.

Hoggaanka xidhiidhka hay’addaha iyo qorsheynta ee ciidamada asluubta Jamhuuriyadda Somaliland, gaashaanle sarre Cismaan Maxamed Xandule oo sheegay in saraakiishani ay si dhammeystiran u qaateen tabbabar socoonayay muddo saddex biloda

Taliye Libaax ayaa sheegay in xubnahan tabbabarka dhammeystay ay aqoonta ay barteen ugu adeegayaan dalkooda iyo dadkooda “Idinku waxaad tihiin seeskii ugu horreeyay ee ay Somaliland dhigato, waxaa aynu qabanayna waa hawl aynu leenahay, oo aynu ku tallo galnay in aynu fulino, waa ammaanadeeni ayaad nin walowba soo arkaysa, imika wax walba gacanta ayaad ka qabanaysa,”

Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Somaliland, ayaa sheegay in kor loo qaadayo wax-soo-saarka ciidamada asluubta iyo maxaabiista jeelasha ku jirta.“Ciidanka asluubtu waa kuwa tabbabaran, maxbuuskuna wixii asluub ah ee uu adiga kaa arko uunbu kula imanayaa, marna waxaa loo baahan yahay in difaaca Qaranka aad ka qayb qaadato, marna maxaabiis soo danbaabtay aad hayso waxaa weeyaan waa shaqo adag,  waana feejignaan aad habeen iyo maalinba u taagan tahay, ilaalinta oo kaliya maaha, basle dhaqan celintii iyo asluubtii.

Iyada oo aynu og nahay in wax-soo-saarka dalkeenu aad u hooseeyo maxaabiista la hayana inta badan xareysan yihiin waxaa aanu wasaarad ahaan aanu horena u balan qaadnay imikana aanu qorshaheeda iyo balan qaadkeeda aanu gali doona in la helo wax-soo-saarka in la isku xidho ganacsiyadeena iyo waxa  ay soo saari karaan, maxaabiisteena iyo ciidanka asluubtu”

Leave a Reply