Golaha Guurtida oo Ansixiyay Xeerka Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka.

0
333

Hargeysa (Dawan) – Fadhigii maanta ee golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominaayey gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi mudane Siciid Jamac Cali, ayaa mudanayaasha golahaasi waxay meelmariyeen iyagoo wax ka badel iyo kaabis ku sameeyay xeerka sahaminta iyo soo saarista shidaalka ,xeer 95/2021.

Fadhigaasi oo ay ku sugnaayeen 48 mudane , ayaa shir-guddoonku waxa uu mudanayaasha ka codsaday in cod gacan taag ah loo qaado sidii xeerkaasi kaga soo gudbay golaha wakiilada iyo wax ka badalka ay ku sameeyeen gududa shuruucada ee golaha guurtida somaliland .

Cod qaadis ka dib 22 mudane ayaa ogolaaday in xeerkaasi lagu ansixiyo sidii uu kaga soo gudbay golaha wakiilada, halka 25 mudane ay u codeeyeen in xeerkaasi lagu ansxiyo kaabista iyo wax ka badalka ay ku sameeyeen gududa shuruucada ee golaha guurtidu, iyadoo gudoomiyuhuna aanu codeyn, cid ka aamustayna aanay jirin. xeerkaasi waxa uu ku ansaxay kaabistii iyo wax ka badalkii ay ku sameeyeen gudida shuruucda ee golaha guurtidu.

Leave a Reply