Somaliland oo ka qayb gelaysa Bandhiga Dunida Muslimka oo lagu Qabanayo Taiwan

0
378

Taibel (Hargeysa)-  Danjiraha Somaliland u fadhiya Taiwan , Maxamed Haggi ayaa ka qaybgalay daahfurka bandhig kor loogu qaadayo isdhexgalka iyo isfahanka Taiwan iyo dunnida Muslimka ah.

 

Bandhiga oo socon doona Apr 9 – Apr 18 waxa dad waynuhu ka baran doonaan dhaqanka iyo taariikhda Islaamka. Sidoo kale maalmaha ugu horraysa Ramadaanta waxa jiri doonta afur wadareed dadka oo dhan u furan.

Bandhiga waxa sidoo kale qayb ka ah Saudi Arabia, Jordan, Turkey, Oman, Bahrain, Kuwait, United Arab Emirates, Nigeria, Indonesia, Malaysia, Brunei, iwm.

 

Leave a Reply