Khiyaamadu Mar Kasta Way Kugu Soo Noqotaa!

0
413

Sida lagu daaabcay barta site Nesperd waxa jirta qiso yaab lahayd oo lahayd khiyaamo dhinaca lacagta ah, waxaana lagu daabacay in nin Maraykan ahi oo aad sabool u ahaa uu maalin si xoog leh uga fikiray siduu uga bixi lahaa fakhrigan isaga iyo qoyskiisan ku jiraan.

Waxaana uu go’aansaday inuu wargeysyada Maraykanka ku qoro ogaysiiskan ah “ Haddii aad doonayso inaad maalqabeen noqoto, u dir hal doller sanduuqa No:… , ka dibna waxaad noqon doontaa qof hantiile ah.

Madaama Aadamigu ay aad u jecel yihiin lacagta dad badana ayaa markiiba rumaystay weedhihiisa, isla markiiba maalaayiin dad ah ayaa u diray halkii doller iyagoo filiyay inay noqon doonaa tijaar, kuwaasi oo aan halka doller waxba u arkayn.

Muddo yar ka dib ayuu ninkii helay malaayiin doller, waxaana uu sidaasi ku noqoday maalqabeeneeda ugu waaweyn.

Intaasi ka dib waxa uu ku qoray wargeyska cinwaan cusub oo ah “ Sidaasi ayaa lagu noqdaa maalqabeen”! Isagoo isagu is sheegaya. Markii uu ogaysiiskaasi danbe daabacay ayay dadku ka soo horjeesteen isla markaana maxkamada ay ka dacweeyeen iyagoo sheegay inuu khiyaameeyay oo sifo khaldan oo been ah lacag ku urursday!.

Laakiin Maxkamadii markii ay dhegaysatay dacawadda ninkan xaakinka ayaa weydiiyay dadkii dacwoonayay: “ miyay jiraan waraaqo iyo heshiisyo aad kala qorateen ninkan” ? Waxayna dhamaantood ku jawaabeen “ Maya”. Xaakinka ayaa ku qancay xukunka waxaan uu ku soo xidhay Odhaahda ah: “ Sharcigu ma ilaaliyo kuwa aan waxba fahmin ee Nacsyada ah”.  Damaaciga ayay khiyaamadu ku dhacdaa inta badan.

 

 

Leave a Reply