Mustaqabalkaaga Si Wanaagsan U Dhiso!

0
409

Markii uu sheekhu ka soo baxay muxaadarada uu jeedinayay ayuu salaamay sheekhii. Wuxu ahaa wiil yar oo 15 sano jir ah. Sheekha ayaa soo dhoweeyay waxaana uu weydiiyay magaciisa. Wiilka yar ayaa u sheegay in lag magacaabo Khaalid.

Sheekha aya ku yidhi “ Khaalidow , codkaagu aad ayuu u wanaagsan yahay xafid Quraanka,  Allah hakaa dhigo mid ummadda codkiisa macaan ku tukiye”

Sheekh ayaa 20 sano ka dib ku tukaday masaajid, isagoo aad uga helay Imaamkii masaajidka codkiisa, waxaan uu usoo kacay si uu ugu hambalyeeyo codka macanaa ee Allaha (sw) siiyay eek u tukinayo ummadda.

Nasiib wanaag wiilka yari waaba Khaalidkii uu kula taliyay uguna duceeyay inuu Allah ka dhigo xaafid Quraan. Kelmadda dhiirgeinta ah ee aad qof siiso ayaa u abuuri karta qofka rajo iyo mustaqbal fiican. Dadaalka aad maanta aad samaysaa waa sida uu u muuqanyo mustaqbalkaagu.

 

 

 

Leave a Reply