Xadiiska Ramadaanta Ramdaan BIl Ducda La Aqbalo

0
653

Xaddiiska uu ka weriyay Imaam Axmad, saxaabiga  Abuu Hureyra Allah ha ka raalli noqdee waxa uu Rasuulka Allah (scw) yidhi: xaddiis macnihiisu ahaa: “ Waxaa idiin yimi bishii Ramadaan, waxa uu Allah (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan bishaas, waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xidhaa albaabada Naarta, waxaa la xidhaa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeen, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay”.

Ramadaan Bisha khayrka badan waxaa wanaagsan in aynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyrkeeda.

Xaddiis uu Xadiis uu Abu-hurayra ka werinayo  Rasuulka (scw) waxa uu yidhi : “ Seddex ducadooda lama celiyo, Imaamka caadilka, qofka sooman marka uu afurayo, iyo qofka la dulmiyay baryadiis (Habaarkiisa). Waxa weriyay Tarmadi  Xadiiska (2050), Albaani ayaa tasxiixiyay ( 2525).

Leave a Reply