Guddoomiyaha ururka Naafada Somaliland oo deeq lacag ah u qaybiyay dadka Naafada ah ee ku nool magaalada Burco.

0
337

Burco (Dawan) — Guddoomiyaha ururka dadka Naafada ah ee Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye, ayaa deeq lacag ah u qaybiyay dadka naafada ah ee ku nool magaalada Burco, deeqdaas oo ay ugu tala gashay shirkadda saabuunta ee Ileys inay ku afuraan dadkaasi bisha barakaysan ee ramadaan.

Guddoomiyaha ururka Naafada Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye, ayaa u mahad naqay shirkadda Ileys ee ka qayb qaadatay taakuleynta dadka naafada ah ee ku guda jira bisha barakaysan ee Ramadaan isagoo baaq u diray bulshada qaybaheeda inay ka qayb qaataan kaalmada dadka naafada ah madaama lagu gudo jiro bishii Ramadaan dalkana ay ka jiraan Abaaro iyo xanuunka safmarka ah ee covid-19.

Guddomiyaha ayaa sheegay in dadka naafada ahi yihiin dad nugul oo u baahan in la caawiyo isla markaana ay ku baxayso sadaqaddu.

Dadka naafada ah ee ku dhaqan magaalada Burco ee lasoo gaadhsiiyay deeqda lacageed ayaa u mahad celiyay una duceeyay maamulka shirkadda Ileys iyo shaqaalaheeda.

Leave a Reply