Xuska Maalinta Dhirbeerista Somaliland oo laga Xusay Magaalada Laascaanood.

0
379

Laascaanood (Dawan)  Xuska maalinta dhir beerista Somaliland ee 15-ka April, ayaa laga xusay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xuska maalintan lagu xusayey waxaa goob joog ahaa ka ahaa iskuduwaha wasaradda deeganka ee gobolka sool Jaamac Maxamuud Xaaji Saalax, maamulka gobolka iyo ka degmada Laascanood, qaar ka mid ah isu-duwayaha gobolka laamaha hay’addaha dawladda ee gobolka Sool iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Isuduwaha wasaaradda deeganka ee gobolka Sool Jaamac Maxamuud ayaa ka warbixiyey xuska maalinta dhir beerista iyo muhimada ay leedahay, waxaa uu bulshada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan dhirta loo qaybiyey.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan wasaradda deeganka laga hirgalinayo mashruuca dhirta oo bulshadu ay kaga baahi bixi doonto dhirtii looga keeni jirey meelaha kale.

Ugu dambayn maayirka degamada Laascanood Cabdiciis Xuseen Taarawle iyo guddoomiye ku-xigenka gobolka Sool ayaa bulshada gobolka Sool iyo ta degmada Laascnood ugu baaqay in ay ka faa’idaystan dhirtan loo qaybiyey, waxaanuu wasaaradda degaanka uga mahadceliyay kaalinta ay kaga jirto kor u qaadida bilicda ama dhiraynta gobolka Sool

Leave a Reply