“Soomaaliya Waa in ay Wax Ka Barataa Somaliland” Danjire Tibor Nagy

0
1012

Hargeysa-(Dawan)-Ku-xigeenkii hore ee xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika ahna danjiraha dalalka Guinea iyo Ethiopia Tibor Nagy ayaa kula taliyay Soomaaliya inay wax ka barato fikradaha dimuqraadiyadda ee Somaliland ku wajahdo qabashada doorashooyinka madaxweynaha iyo baarlamaanka.

 

Nagy ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in Somaliland ay ka qabsoontay doorashooyin nabdoon oo dimuqraadi ah oo aan wax kaalmo shisheeye ah ka helin beesha caalamka.

 

Nagy ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan khiyaanada Beesha Caalamka, kadib muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo oo waqtigiisa uu dhammaaday bishii Feb 2021.

 

Isbarbar dhigga xaaladaha doorashada ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sare usii kacay, iyadoo rajada doorashada Soomaaliya ay u muuqato mid mugdi ah halka Somaliland lagu wado inay qabato doorashada baarlamaanka iyo deegaanka bisha May.

Leave a Reply