Nuxurka Kulan dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan

0
443

Hargeysa-(Dawan) Md Liibaan Yuusuf Cismaan Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inuu kala hadlay Wasiir Dr Joseph Wu, ee Taiwan dhinacyadda muhiimka ah ee labada wadan iska kaashan karaan iyo sida sare loogu qaadi lahaa xidhiidh faa’iido u leh labada dhinac.

Fariin uu ku baahiyey bartiisa Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda JSL ahna sii hayaha xilka Wasiirka Md Liibaan ayuu ku sheegay inuu kulan khadka muuqaalka la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan, oo ahaa mid wax ku ool ah la xidhiidhay aagaga muhiim ah oo iskaashi waxtar leh oo ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan.

Dhinaca kale, Fariin lagu baahiyey barta Twitter ee Wasaaradda A Dibedda Taiwan ayaa lagu sheegay in “Wadahadalladu ahaayeen kuwo ballaadhan, oo ku saabsan mowduucyo muhiim ah sida  mashaariicda iskaashiga ee Somaliland iyo Taiwan wadaagaan, dedaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo xanuunka COVID19 & hanaanka sarre loogu qaadayo xidhiidh labada dhinacba faa’iidada u leh.

 

 

 

 

Leave a Reply