Kaalmo Raashin ah oo La Gaadhsiiyey Deegaannada Qolujeed iyo Xariirad

0
587

boorama (Dawan) – Hay’adda samo’falka ee Suldaan Cilmi Kabaal ayaa deeq isugu jirta lacag iyo raashin u qaybisay 240 qoys oo danyar ah kuwaas oo ku nool deegaannada qolujeed iyo xariirad ee gobolka Awdal.

 

Raashinkan ayaa ka koobnaa saliid, timir, caano,bariis, daqiiq iyo sonkor, waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay Cabdiqaadir Suldaan Cilmi Rooble oo ah guddoomiyaha hay’adda samo’falka ee Suldaan Cilmi Kabaal , oo sheegay in macaawinadani ay tahay tii ay sannad walba u qaybin jireen dadka danyarta ah ee ku dhaqan deegannadaasi, isagoo sheegay in 80 qoys raashinkooda ay u qaybinayaan deegaan walba.

 

Dhanka kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay mas’uuliyiinta deegannadaasi iyagoo uga mahad’naqay hay’adda samofalka ee Suldaan Cilmi Kabaal raashinkaasi ay soo gaadhsiiyeen dadka jilicdasan ee ku dhaqan magaalooyinkaasi. Waxaana ay sheegeen in mucaawinadan ay ku soo hagaagtay xilli ay baahi weyn u qabeen.

 

Gebo’gebadii Suldaan Axmed Suldaan Cilmi Rooble Furre oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay ahayn markii ugu horreysay ee deeq ay gaadhsiiyaan deegannadaasi, isagoo sheegay in shakay ay ku qaybinayeen deegaannada Xariirad iyo Qolujeed raashin dhammaystiran. Waxaana uu u mahad’celiyay cidkasta oo ka qayb qaadatay qaybinta mucaawinnadaasi.

Leave a Reply