Bulshada Somaliland Oo Loogu Baaqay in ay Ka Faa’ideysiga Biyaha Roobka

0
342

Hargeysa-(Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, Maxamed Xasan Dirir ayaa ugu baaqay bulshada reer Somaliland ee ku nool magaalooyinku inay ka faa’ideystaan biyaha roobka isla markaana ay isticmaalaan majaroorrada si ay u keydiyaan xaddi biyo ah oo ku filan, waxaana uu tilmaamay qofka qabta 1 litir oo biyo ah inuu qabtay biyo dhulka geli lahaa oo khasaaroobi lahaa, sidaa awgeedna weelasha loo dhigto biyaha roobka ee macaan.

 

 

Dirir oo u waramaayay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in wasaaradda biyuhu ay u diyaar’garawdo sidii looga faa’Iideysan biyaha xilli roobaadka, waxaana uu sheegay in wasaaraddu ay ka shaqaynayso barnaamijka biyo kaga dhereg gacmahaaga oo ay hore u bilaabeen, kaas oo lagu samaynayo biyo xidheeno iyo balliyo waaweyn oo biyaha roobka qabta, isagoo sheegay in laba ka mid ahi ay dalka ka socdaan oo ay dhawaan dhammaystirmi doonaan.

Leave a Reply