Wasiirka waxbarashada oo Shir la Qaatay Gudoomiyeyaasha wasaaraddaas ee Gobolada dalka.

0
332

Hargeysa (Dawan)  – Shirkaas oo ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka ayaa waxa wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), iyana qayb ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaraddaas, agaasimaha guud iyo qaar ka mida agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradaas, waxaana qodobadii kulankaas lagu lafo-guray ugu muhiimsanaa.

1. Shaqaalaha cusub, isku-bedelka iyo jagooyinka la magacaabayo oo dhamaantood la xayaysiinayo ama loo soo bandhigi doono bulshada

2. Warbixin qalabaynta dusgiyadii Madaxwaynaha JSL furay dhawaan, si ardaydu u gasho dugsiyadaas oo dhamaystiran diyaarna ah.

3. Midaynta dirayska ardayda dhamaan gobolada dalka.

4. Shahadooyinka maamulenimo iyo ta macalimiinta wax ka dhigta, kuwaas oo la dhimaystiraayo fasaxa, iyadoo lagu bilaabayo maamuleyaasha dugsiyada.

5. Hormo-gelinta dugsiyada cusub iyo kordhinta dugsiyada iyo Bare Kaab, iyadoo mudnaanta la siinayo degsiimooyinka iyo degmooyinka diyaariya maalgelin ay kaga qayb qaataan horumarinta Waxbarashada deegaan kooda

6. Sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada guud ahaan dugsiyada dalka.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda waxbarashadu wuxuu sheegay in qodobadaas laga hadlay shirkaasi ay fuli doonaan.

Leave a Reply