Mid ka mid ah Libaaxyadii Waran-cade oo Baxsaday

0
381

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in caawa uu baxsaday mid kamid ah Libaaxyadda Cali Maxamed Warancade uu ku haystay magaaladda Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sheegay in Libaaxa baxsaday uu dhaawacay laba qof,isla markaana ay ciidanka Boolisku ay wadaan hawlgal balaadhan oo ay ku raadinayaan Libaaxaas baxsaday.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland waxa uu dadweynaha usoo jeediyey in ciddii aragtaa Libaaxaas ay ku soo wargeliyaan Ciidamada Booliska

Leave a Reply