Mid ka mid ah Libaaxyadii Waran-cade oo Baxsaday.

0
392

Hargeysa (Dawan) Ciidamada Booliska Somaliland oo Baadigoobaaya mid ka mid ah Libaaxyadii Warancade oo Baxsaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Saqadhi Dabagale ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in caawa uu baxsaday mid kamid ah Libaaxyadda Cali Maxamed Warancade uu ku haystay magaaladda Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanka Boolisku ay wadaan hawlgal balaadhan oo ay ku raadinayaan Libaaxaas baxsaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu dadweynaha u soo jeediyey in ciddii aragtaa Libaaxaas ay ku soo wargeliyaan Ciidamada Booliska.

Leave a Reply